Dadnimo News Agency DNA :: Source of News ::

DNA Radio Progs Wararka Maanta Maqaallo
 
-B. Salamaha (DNA)
 
-Jaraa'idka Isbuuca
 
-B. Caafimaadka
 
-Arimaha Haweenka
 
-Kulanka Siyaasiga
 
 
From Dadnimo

Daroogada iyo Dalka Soomaaliya.
Updated at: 4/25/2010 7:37:00 PM

Dadnimo: MUQDISHO. ,

Sida aan wada ognahay wadanka Soomaaliya waxaa ka dhacay dhibaatooyin fara badan oo saameeyey bulshada kaasoo cuuryaaminaya ilaha dhaqaalaha iyo wixii la mid ah, dhibaatadaas waxaa sababay ayaa la dhihi karaa arimo isbiirsaday oo ay ugu horeyso Daroogada.

 

Sida aan ogsoonnahay caalamka waxa uu mar waliba ka qayliyaa waxa yeeleynta daroogada iyo saameynta ay ku leedahay Bulshada dhinaca caafimaadka, waxaana si deg deg ah loo soo saaraa qaraar ku aadan la dagaalanka daroogada.

 

Waxaan booqday good ay isgu yimaadaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo isticmaala maandooriyaha, iyagoo faraxsan sida ay ula muuqato, goobaha lagu iibiyo sida ay ugu soo badanayaan Caasimadda Muqdisho.

 

Goobaha ugu badan oo lagu iibiyo laguna isticmaamo maandooriyaha waxaa ka mid noqonaya  KM4 iyo Degmada X/weyne walow ay jiraan deegaano kale, waxaa hoos u dhac ku yimid Maandooriyeyaasha sida Xashiishka, Calaqa, koollada, kaniiniyada qaarkood IWM.

 

Hoos u dhacaasina waxa uu dhallinta isticmaasha maandooriyaha ku dhiiri gelinaysaa in ay si aad ah u isticmaalaan.

 

Maalin iyo Habeen waxaad waddooyinka laamiga ah ee caasimadda ku arkeysaa dhallinyaro rax raxan u socda una fadhiya meelaha biibitooyinka dhuuqayana maan dooriye, kana agdheeraanaynin meelaha lagu iibiyo laguna kariyo Maandooriyaha.

 

Meelaha qaadka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho waxaad ku arkeysaa ilmo yar yar oo gurubsanaya caleemaha jaad ee garaabada loo yaqaan, isuguna faanaya hadba sida uu midba midka kale uga garaabo badan yahay.

 

Dhallinyaradaasi waxaad kaloo arkeysaa iyagoo u kala ordaya gumudka sigaarka ama xashiishka iyagoo dhahaya “Iidhiib aam mar dhuuqee” isuna dhiibaya, dhallintaasi marka ay daroogada dhamaato waxay u kala dareeraan bulshada dhexdeeda, waxayna mararka qaar halis geliyaan bulshada.

 

Ugu dambeyntii Soomaaliyey dhamaantiin aan idin su’aalee sideen ku bad baadin karnaa aayaha Dhallinyarada Soomaaliyeed?? Dood furan.

 

W/D: Hani C/qaadir Maxamed {Hani Social}

Email: hanisocial@hotmail.com     



There is no information with this type of identity


Post Your Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)


Dadnimo News Agency (DNA)
dadnimo@hotmail.co.uk
info@dadnimo.com
 

Image
Midowga Ardayda Gobol-ka Shabeelada Hoose oo Asaasay Urur Lamagac baxay MAGOSH. DAAWO SAWIRADA.

Image The War Between International Pirates and Somali Marines In Somalia Coast

Image socdaalkii wariye max^ed bashiir xaashi iyo sahminta gobolo kamid ah dalka somaliya

Image Wax Baxso inta aadan Dhiman.

Image Ogeysiis Muhiim ah oo kuu hayo Bankiga Barakaat.

Image Walaalka Muslimka Ahoow Caawi Hooyadan Soomaaliyeed Ee Xanuunku Ka Asiibey Dhuunta Ama Cunaha

Image Tahniyad dhalsh oo farxadleh

Image Ragow kibirku

Image Daroogada iyo Dalka Soomaaliya.

Image Isku Aadka Kooba-aduunka 2010 World Cup.

Image Ciyaarihii xalay ka dhacay Qaarada Yurub..

Image Baafin Shamsa Aaden Cabdulaahi

Image Fadlan U Gar gaar walaashaa Dhibaateysan.

Image Tahniyad aroos

Image MEHER FARXAD LEH.

 
Keydka Wararka Keydka Maqaallada

Copyright ? Dadnimo.com 2008 -Terms and Privacy -
D.By: Dadnimo Tech
Contact us: info@dadnimo.com    

STAT                                                                                                                             
Free counter and web stats