Dadnimo News Agency DNA :: Source of News ::

DNA Radio Progs Wararka Maanta Maqaallo
 
-B. Salamaha (DNA)
 
-Jaraa'idka Isbuuca
 
-B. Caafimaadka
 
-Arimaha Haweenka
 
-Kulanka Siyaasiga
 
 
From Dadnimo

Burcad Badeed Soomaaliyeed oo dagaalamay.
Updated at: 7/18/2010 3:24:00 PM

Dadnimo: EYL. ,

Inta la ogsoon yahay laba 2 qof ayaa u geeriyootay mid kalena waxaa soo garay gaaray dhaawac ka gadaalka markii uu ismaandhaaf soo kala dhex galay koox burcad badeed somaliyeed oo markab ay qafaasheen ku heystay xeebta bargaale oo ah deegaan ka tisran Gobolka Bari , kooxdaana ayaa ku kala aragti duwanaaday halka lagu heynayo markaan oo ay ka sugayaan in lagu siiyo lacago malaayiin door ah oo madaxfurasho ah .

dadka deegaanka qaarkood ayaa saxafada u sheegay in ismaandhaafka kooxaha burcadbadeedda ah uu ka bilowday markabka ay haystaan, iyadoo qaar ka mid ah ay dalbadeen in markabka meesha laga qaado halka kuwo kalena ay arrintaas diideen.

"Deegaanka Baargaal waxaa la keenay laba qof oo dhaawac ah, waxaana dhintay mid ka mid ah, marka khasaaraha la ogyahay oo dagaalkii saakay ka dhashay waa intaas" ayuu yiri Abshir Yuusuf oo ka mid ah dadka deegaanka oo u hadlay saxaafadda.

Abshir oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Baargaal ayaa sheegay in muranka uu weli taagan yahay, iyadoo xalay ay kooxaha burcadbadeedda ah uu xoogeystay khilaafka u dhexeeya, saakay uu isku badalay gacan ka hadal.

Inkastoo dagaalku uu qaboobay, haddana wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa shegaya in xiisado colaadeed oo labada kooxood u dhexeeya la dareemayo, iyadoo laga baqdin qabo inay arrintu isku badasho qaab beeleed.

Markabka ay kooxahan haystaan oo aan la sheegin dalka laga leeyahay ayaa wuxuu halkaas ku xiran yahay muddo dhowr bilood ah, iyadoo khilaafkan gacan ka hadalka sababay ee u dhexeeya kooxahan uusan ahay markii ugu horreysay



There is no information with this type of identity


Post Your Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)


Dadnimo News Agency (DNA)
dadnimo@hotmail.co.uk
info@dadnimo.com
 

Image
Midowga Ardayda Gobol-ka Shabeelada Hoose oo Asaasay Urur Lamagac baxay MAGOSH. DAAWO SAWIRADA.

Image The War Between International Pirates and Somali Marines In Somalia Coast

Image socdaalkii wariye max^ed bashiir xaashi iyo sahminta gobolo kamid ah dalka somaliya

Image Wax Baxso inta aadan Dhiman.

Image Ogeysiis Muhiim ah oo kuu hayo Bankiga Barakaat.

Image Walaalka Muslimka Ahoow Caawi Hooyadan Soomaaliyeed Ee Xanuunku Ka Asiibey Dhuunta Ama Cunaha

Image Tahniyad dhalsh oo farxadleh

Image Ragow kibirku

Image Daroogada iyo Dalka Soomaaliya.

Image Isku Aadka Kooba-aduunka 2010 World Cup.

Image Ciyaarihii xalay ka dhacay Qaarada Yurub..

Image Baafin Shamsa Aaden Cabdulaahi

Image Fadlan U Gar gaar walaashaa Dhibaateysan.

Image Tahniyad aroos

Image MEHER FARXAD LEH.

 
Keydka Wararka Keydka Maqaallada

Copyright ? Dadnimo.com 2008 -Terms and Privacy -
D.By: Dadnimo Tech
Contact us: info@dadnimo.com    

STAT                                                                                                                             
Free counter and web stats