Dadnimo News Agency DNA :: Source of News ::

DNA Radio Progs Wararka Maanta Maqaallo
 
-B. Salamaha (DNA)
 
-Jaraa'idka Isbuuca
 
-B. Caafimaadka
 
-Arimaha Haweenka
 
-Kulanka Siyaasiga
 
 
From Dadnimo

Dagaalkii ugu danbeyay ee Muqdisha.
Updated at: 7/20/2010 6:58:00 PM

Dadnimo: MUQDISHO ,

dagal xoogan oo u dhaxeeyo ciidamada xarakada alshaab iyo ciidamada dowlada oo garab ka helayo ciidamad midowga Africa ee AMISOM dagaalkaan oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac aad u badan ayaa haatan ka soconayo deegaano hoostaga dagmada boondheere oo kaabiga ku heysa qasriga madaxtooyada Dowlada KMG Somaliya kuwaas oo ay dagaalkii shalay la wareegeen Xarakada Mujaahidiinta alshaab waxaana saaka ku biiray dagaalka ciidmada AMISOM oo wata gawaarida gaashaaman iyo taangiyo ka soo kicitimay daroonka diyaradaha ee adan cade inretnational airport ee Magaalada Muqdisho .

dagaaladaan iyo duqeymaha isbarbarscoday ayaa waxaa ay ka dhacayeen degaanada boondheere iyo guud ahaanba deegaanda waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu geystay burbur xoogan dhimasho ,dhawac iyo barakac baahsan waxaana jira qoysas badan o aan meelna isku sheegin ka dib markii guryahooda lagu duqeeyey halkaasina ay ka dhacday kala carar waxaana hada ku haray dad yar oo fara ku tiris ah kuwaas oo qaarkood alaabadoodu u xirxiran yihiin maadaama aysan jirin wax rajo ah oo laga qabo in dagaalku uu joogsado balse laga yaabo in uu ku fido deegaano kale .

dagaalka ayaa saaka dib uga bilowday waxaana laga maqalayaa guud ahaanba magaalada Muqdisho Dhawaqa madaafiicda Noocyadeeda kala duwan kuwaa oo la isku dhaafsanayaan dhinacyada dagaalka isaga so horjeedo. waxaa aad u yar in la ogaado qasaaraha dhabta ah ee ay geysanayaan madafiicda oo ah kuwo ku dhawaco goobo ka fog halka dagaalku uu ka soconayo sidoo kale waxaa jirta risaasta hobiyaha ,dhashiikaha iyo noocyada ee ka dhaca qoryaha fudu iyo kuwa culus in ay gaareyso goobo aan dagaal ka soconin kuwaas oo iyana geysta qasaare kale wajiga magaalada ayaa ah guud ahaan magaalo colaaleed aan laheyn cid kala dhaxgasha xoogaga dagaalamay waxaan soo baxayso in dhinacwalbo uu guulo ka sheegto in uu dagaalka ka gaaray .

madafiicdii saaka ayaa qaar ka mid ah waxay ku dhaceen dagmada yaashid kuwaas oo geystay qasaaraha inta la ogyahay dhimashada sadax qof halka uu dhacuna uu garayo 5 kale kuwaas oo ay ku dhaceen madaafiic aan loo meel dayin oo ay ridayaan ciidmada Midowga Africa ee AMISOM waxaana jira in qoriga BiiEmka uu si isdaba joog ah ugu dhacayo dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa kale oo dhacayo hoobiyaha iyo fooriyaha kuwaas oo geysta qasaaraha ugu badan ee soo gaara dadka shacabka ah .

dad goobjoogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in dagaalka iyo duqeymuhu ay bilowdeen qeybo ka mid ah deegaanad awaqooyiga Mgaalad aMuqdisho arortii hore saaka dagaalka ugu xoogana wuxuu ka socdaa dalcada afarta ajrdiino ee boondheere iyo deegmada boondheere oo isu muuqata waxaan taangiga ugu horeeya ee cidamada AMISOM uu saran yahay dalcada isgoyska boondheere oo ay shegayan dadka halkaa ku sugan in la arkayo halka uu madaficida ka ridayo oo boor iyo uuro ay ka kacayso ,madaaficdii uu ridayey mid ka mid ah ayaa ku dhacday isgoyska siinaay waxaana halkaa uu ku dilay haweeney xamaali aheyd oo iyadu u soo fooftay si ay caruurteeda biil ugu keento .

sidoo kale madfac kale oo ku dhacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuq bacaad ayaa isnegeystay qasaraha dhimashada 3 qof oo rayid ah iyada uu dhawacyo kala duwane garsiyey Afra qof oo kale waxaan dhici karta in ay dhimashada iyo dhawacyaduba inta ka badan karaan .

dhanka kele waxaa soo baxayso faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxayso qasarihii ka dhashay dagaaladii Muqdisho ak soconayey Maalmihii la soo dhaafay waxaana wararku ay shegayaan in 24 ki saac ee aynu ka soo gudubnay dadka ku dhawacmay in ay kor u dhafaayaan ilaa 70 ruux oo da.walbo leh waxaana jira in ay ku dhinteen inta la ogyahay ilaa 26 qof oo kale sid ay sheegayaan saraakiisha gadiidka gurmadka deg deg ah ee aambalaasta in ay qaadeen dhawacyada 34 qof waxaana ay sheegayaan in dhawacyada ugu badan laga qaaday suuq bacaad iyo deegaanad au dhow dhow ,wadada janaraal daauud dhanka gubta , wadada howlwadaag ,dagmada xamar weyne ,waxaana dhawacyadaas loola kala cararay ispitaalada magaalada Muqdisho .

dagaaladaan ayaa Masuuliyiin u hadashay dhinacyadad dhinacba dhinaca kale sheegayaan in uu gaarsiiyey jab iyo halaag aan laga soo waaqsan karin Afhayeenka dhanka howlgalada ciidamada zxarakad Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab saxafada shir jaraid oo uu u qabtay ku sheegay in ay ka guuleysteen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo cidamad adowlada oo la safan wuxuuna shegay in goobo ah horey gacan ku heyntooda ula wareegeen la soo weeraray wuxuuna shegay in ciidamada weerarka soo qaaday ee AMISOM ay adegsanayeen 4 taangi iyo l;ix gawaarida gaashaamana h kuwaas oo soo dhaafiwaayey dalcada isgoyska 4 jardiino ee boondheere wuxuuna intaa ku daray in mujaahidiintu iska caabiyeen .

dahnka kale gudoomiyaha dagmada boondheere ee gobolka banadir cabdulaahi xersi dhiblaawe ( istakiin ) ayaa saxaafada uga wrbixiyey dagaalka ka socdo dagmada u gudoomiyaha ka yahay ee boondheere .wuxuuna sheegay in ciiamadoodu weeraryeen fadhiisimada xarakad amujaahidiinta alshabaab ay ka sameysteen goobihii ay dhawaan qabsadeen iasaga oo inta asii raaciyey in dagmada ay haatan uu ka soconayo dagaal rogaal celis ah

arintu si kastaba ha ahaayeen qasaaraha ugu badan ee uu geysto dagaal kasta ayaa ku dhacaya dadka rayid ah ee dagan goobaha u dagaalkasi ka dhacayo magaalada Muqdisho ayaa notay magaalo aan dagal ka dhamaan mana jirto isu tanaasul iyowax waan waan ah oo la filayo mustaqbalka dhow



There is no information with this type of identity


Post Your Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)


Dadnimo News Agency (DNA)
dadnimo@hotmail.co.uk
info@dadnimo.com
 

Image
Midowga Ardayda Gobol-ka Shabeelada Hoose oo Asaasay Urur Lamagac baxay MAGOSH. DAAWO SAWIRADA.

Image The War Between International Pirates and Somali Marines In Somalia Coast

Image socdaalkii wariye max^ed bashiir xaashi iyo sahminta gobolo kamid ah dalka somaliya

Image Wax Baxso inta aadan Dhiman.

Image Ogeysiis Muhiim ah oo kuu hayo Bankiga Barakaat.

Image Walaalka Muslimka Ahoow Caawi Hooyadan Soomaaliyeed Ee Xanuunku Ka Asiibey Dhuunta Ama Cunaha

Image Tahniyad dhalsh oo farxadleh

Image Ragow kibirku

Image Daroogada iyo Dalka Soomaaliya.

Image Isku Aadka Kooba-aduunka 2010 World Cup.

Image Ciyaarihii xalay ka dhacay Qaarada Yurub..

Image Baafin Shamsa Aaden Cabdulaahi

Image Fadlan U Gar gaar walaashaa Dhibaateysan.

Image Tahniyad aroos

Image MEHER FARXAD LEH.

 
Keydka Wararka Keydka Maqaallada

Copyright ? Dadnimo.com 2008 -Terms and Privacy -
D.By: Dadnimo Tech
Contact us: info@dadnimo.com    

STAT                                                                                                                             
Free counter and web stats