Dadnimo News Agency DNA :: Source of News ::

DNA Radio Progs Wararka Maanta Maqaallo
 
-B. Salamaha (DNA)
 
-Jaraa'idka Isbuuca
 
-B. Caafimaadka
 
-Arimaha Haweenka
 
-Kulanka Siyaasiga
 
 
From Dadnimo

AU-da oo isku raacay in 4,000 oo Askari loo soo diro Somalia.
Updated at: 7/28/2010 11:55:00 AM

Dadnimo: KAMPALA ,

Ayadoo uu soo idlaaday kulankii 16 aad ee isugu imaan jireen madaxda Qaarada Afrika ayaa waxaa intiisa badan uu ahaa mid ay uga wada hadlayeen madaxda arinta Soomaaliya oo aheyd mid ugu weyneed ee kulanka uu ku furmay

Kulankaasi ka dib ayaa waxaa ka soo baxay go^aano la doonayo in wax looga qabto xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa howlaha ciidamada AMISOM ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya kuwaa oo lagu taageerayo sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Waxaa la go^aamiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan 4000 oo askari loo soo diro gudaha Soomaaliya kuwaasi oo lagu kordhinayo ciidmada AMISOM howlgalka ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa waxaa ay isku raaceen in laga fikiro in ay howlgalo ama weeraro ay qaadaan ciidamada AMISOM inkastoo Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay ka soo horjeesteen nabad dhaliyeyaal loo bedelo ciidamada AMISOM magaca iyo howlgalka ciidamada AMISOM ee joogo Soomaaliya.

Mr. Jan Ping ayaa wuxuu sheegay inay ka go^an tahay Midowga Africa inuu ciidamo dheeraad ah si deg deg ah ugu soo diro Soomaaliya kuwaa oo iyana si deg deg ah wax uga badalaya xaalada dalka, waxaana dhawaan ka soo dagtay garoonka Muqdisho saraakiil indha indheyn ku sameyneyso fadhiimaha ciidamada cusub ee la soo wado.

Dowladaha ciidamada haatan u soo socda Soomaaliya ayaa waxa ay kala yihiin Guinea kun askari, Jabuuti kun askari, iyo wadamada IGAD oo soo diraya labo kun askar taa oo tirada guud ka dhigeyso 10,000 oo askari waxaana barbar socda in dhamaan ciidamadaasi lagu taageerayo agabka dagaal oo ay ka midyihiin Diyaarado Taangiyo oo la sheegay in dhawaan gacanta laga saarayo AU da.



There is no information with this type of identity


Post Your Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)


Dadnimo News Agency (DNA)
dadnimo@hotmail.co.uk
info@dadnimo.com
 

Image
Midowga Ardayda Gobol-ka Shabeelada Hoose oo Asaasay Urur Lamagac baxay MAGOSH. DAAWO SAWIRADA.

Image The War Between International Pirates and Somali Marines In Somalia Coast

Image socdaalkii wariye max^ed bashiir xaashi iyo sahminta gobolo kamid ah dalka somaliya

Image Wax Baxso inta aadan Dhiman.

Image Ogeysiis Muhiim ah oo kuu hayo Bankiga Barakaat.

Image Walaalka Muslimka Ahoow Caawi Hooyadan Soomaaliyeed Ee Xanuunku Ka Asiibey Dhuunta Ama Cunaha

Image Tahniyad dhalsh oo farxadleh

Image Ragow kibirku

Image Daroogada iyo Dalka Soomaaliya.

Image Isku Aadka Kooba-aduunka 2010 World Cup.

Image Ciyaarihii xalay ka dhacay Qaarada Yurub..

Image Baafin Shamsa Aaden Cabdulaahi

Image Fadlan U Gar gaar walaashaa Dhibaateysan.

Image Tahniyad aroos

Image MEHER FARXAD LEH.

 
Keydka Wararka Keydka Maqaallada

Copyright ? Dadnimo.com 2008 -Terms and Privacy -
D.By: Dadnimo Tech
Contact us: info@dadnimo.com    

STAT                                                                                                                             
Free counter and web stats