Dadnimo News Agency DNA :: Source of News ::

DNA Radio Progs News In English Maqaallo
 
-B. Salamaha (DNA)
 
-Jaraa'idka Isbuuca
 
-B. Caafimaadka
 
-Arimaha Haweenka
 
-Kulanka Siyaasiga
 
 
From Dadnimo
Waa Sidee Dareenka Shacabka Soomaaliyeed Ka Dib Dilkii Loo Geystay Saciid Tahliil.
Updated at: 2/5/2009 8:27:00 AM

Dadnimo: MUQDISHO ,

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN..

 

Aydoo dhamaan manta aysan jirin wax warbaahin ah oo ka shaqeynaya muqdisho ayaa misna waxaa saakay lagu wadaa sidii loo aasi lahaa agaasimahii idacaaada horn afrk saciid tahliil axmed ooshaly kooxo dabley ay ku toogteen gudaha magaalada muqdisho.

 

Dhamaan bahda warbaahinta ayaa saakay isku howlayo sidii ay u aasi lahaayeen marxuumkaasi shalay sida arxan dara ay ugu dilay kooxahaasi aanan heybtooda la aqoon magaalada muqdisho ayadoo dad aad u fara badan ay haatan soo buux dhaafinayaan cisbitaalka madiina oo meydka marxuumka la geeyay.

 

Saciid tahliil axmed ayaa ka mid ahaa wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyay talifishinkii soomaaliya isagoo markii dagaalada ay dhaceyn ka dibna uu ka mid noqday wariyaashii isku howlay in ay ka sii shaqeeyaan radio muqdisho oo marxalado soo maray.

 

Ilaahay ha u naxariistee saciid tahliil axmed wuxuu ifka uga tagay laba xaas ayadoo sidoo kalana uu ka geeriyooday 10 caruur ah oo iskugu jira gabdho iyo wiilal.

 

Shalay markii falka nadaxdinta leh loogu geystay magaalada muqdisho agaasimihii idaacada iyo tv horn afrika waxaa daqiiqado gaaban la hadlay dadkii iskugu yimid halkaasi axmed c/raxmaan jaakad oo isna ka mid ah masuuliyiinta idacaada oo u sheegay in saciid tahliil uusan aheyn wariye oo kaliya balse uu yahay wariye qaran kana geeriyooday qaranka soomaaliyeed.

 

Wuxuuna intaasi ku daray jaakad in idaacada horn afrik ay soo martay maraaxiil kala gadisan ayadoo tiro wariyaalana looga dilay dalka soomaaliya oo uu ugu danbeeyay agaasimihii idaacada Capital Voice mahad axmed cilmi iyo agaasimihii hore ee horn afrik Cali Iiman sharmaar^arke.

 

Dhamaan idaacaha ayaa maanta ah kuwa hawada ka maqan ayadoo bahweynta saxaafadana ay manta u tahay maalin murugo oo waxaa ka geeriyooday nin qaali ahaa ilaahay ha u naxariistee saciid tahliil ayaa lagu xasuustaa barnaamij gaar ah oo uu ka soo jeedin jray idaaca maalinta jimcaha oo aad u xiisa badnaa.

 

MOHAMMED IBRAHIM AYAANLE



User Comments

inaan lilaal waa in ileehi rajiccun waxaan u tacsiyadeynayaa dhamaan shacbiga soomaliyeed ee uu ka baxay halgame saciid tahliil ahmed kaa soo ay dishay gacan ka xaq daran alla yaraxma...aamiin
Posted by MOHAMED on 2/5/2009 4:34:32 AM

aad baan uga naxay geeridii kutimid saciid tahliil
Posted by Abdi fitaah on 2/5/2009 12:32:51 AM


Post Your Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)


Dadnimo News Agency (DNA)
dadnimo@hotmail.co.uk
info@dadnimo.com
 

Image
TAHNIYAD DHALASHO

Image Baafin

Image Luqmaan Electronics Company.

Image Caawi wiilkan dhibaateysan oo walaalkaa ah

Image Shirkada xawaalada sahal Express oo Muqdhsho looga dhawaaqay .

Image Here are some Of video about minerals. WACH HARE...

Image hadii dunida lagu waarayo nabi mohamed NNKH aya loo deen laha ruuxda macan.

Image Gudiga Taakulaynta Dadka Tabaalaysan Oo MarKii labaad Deeq Raashin Ah Gaarsiiyey Dadka ku sugan deegaanka Lafoole.

Image Caawi wiilkan da’da yare e dhibaataysan.

Image Arooskii la yaabka lahaa ee ka dhacay iskilistuna ee Dalka Sweden oo looga yimid 12 Wadan ee Aduunka.

Image Caawi will 4 sano jir oo dhibaato daran heysata

Image sidee loo abuuri karaa dhalinyaro wadaniyiin ah

Image QIIMAHA NABADA AY U LEEDAHAY NOOLAHA

Image Soomaaliya Oo Sanadii Labaad Kaalinta Koowaad Ka Gashay Qiimeynta Dalalka Fashilmay ee Caalmka.

Image GOLAHA GUURTIDA BEESHA GAAL-JECEL

 
Keydka Wararka Keydka Maqaallada

Copyright ? Dadnimo.com 2008 -Terms and Privacy -
D.By: Dadnimo Tech
Contact us: info@dadnimo.com    

STAT                                                                                                                             
Free counter and web stats